
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa magacaabay agaasimaha cusub ee maamulka iyo maaliyadda madaxtooyada Puntland.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geeddi) loogu magacaabay agaasimaha maamulka iyo maamliyadda ee madaxtooyada Puntland.
Mas’uulka la magacaabay ayaa ka tirsanaa xubnihii xafiiska ol’olaha doorashada ee xilligii uu tartanka ku jiray madaxweyne Siciid Deni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.