Dowladda Puntland oo ka tacsiyeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Ethiopia

Dowladda Puntland ayaa tacsi u dirtay dhammaan dalalka muwaadiniintoodu ku dhinteen shilkii diyaaradeed ee maanta ka dhacay waddanka Ethiopia.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa tacsi loogu diray dhammaan dalalka muwaadiniintoodu ku dhinteen shilka gaar ahaanna ehelada muwaadiniinta Soonaaliyeed ee halkaasi ku dhintay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Ethiopia iyo shirkadda Ethiopian Airlines khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka soo gaaray shilka diyaaradeed.

PUNTLAND POST