Shirkadda duullimaadyada Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in ay burburtay diyaarad ay leedahay Axaddii saaka kadib markii ay duushay Addis Ababa iyadoo socotay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa sidday 149 rakaab ah iyo 8 shaqaala waxaana ay ku burburtay nawaaxiga degmada Bishoftu oo qiyaastii 62 km koonfur bari ka xigta magaalada Addis Ababa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirkadda Ethiopian Airlines.
Diyaarada ayaa burburtay saaka markii saacadu ahayd 8: 38 AM, waxayna markaas hawada ku jirtay 6 daqiido oo kaliya.
Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka u tacsiyeeyay dadkii eheladoodu ku dhinteen shilkaasi.
PUNTLAND POST