Ciidamada Badda Puntland oo qabtay qalabka wax lagu tahriibiyo

Ciidamada PMPF oo ku jira howgal tahriib

Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa howlgalo ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso ku soo qaqtay qalab ay sheegeen in loo adeegsan Jiray tahriibka dadka.

Ciidmada Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay howgal ay wadeen ka gaareen guulo waaweyn, ayna ku soo qabteen qalab badan oo isugu jira saxiimado iyo matooro dadka lagu tahriibiyo, balse ciidamadu ma aysan sheegin cid ay ku soo qabteen qalabkan.

Dhanka kale Taliyaha ciidmada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo goob-joog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigayay saxiimadaha iyo matoorada la qabtay ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in lagu la dagaalamo tahriibinta dadka.

Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa balan qaaday in la xoojin doono howlgalada lagu la dagaalamo dadka si sharci darada ah uga ganacsada tahriibka dadka, waxuuna ammaan u jeediyay ciidamada Badda Puntland (PMPF).

Xeebaha gobolka Bari ee Puntland waxaa ka dhoofa tahriibayaal u badan Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeda dalalka Khaliijka.

PUNTLAND POST