Garbahaarey: Toogasho lagu fuliyay nin kufsaday haweeneey kadibna dilay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu toogtay nin kufsaday haweeney kadibna dilay.

Maxamuud Cali Xaamud ayey Ciidamada Dowlada ku fuliyeen dil toogasho ah.

Marxuumka ayaa horay u Kufsaday Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax.

Maxkmada Garbahaareey ayaa dil toogasho ah ku riday kal hore iyada oo isla maantana fulisay.

PUNTLAND POST