Madaafiic ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya

Goordhow waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku soo dhacday tiro madaafiic ah.

Ilaa 3 madfac oo ah qoriga loo yaqaano hoobiyaha ayaa ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Madfaca 1-aad ayaa waxaa uu ku dhacay dabaqa sare ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Madfaca 2-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xarunta guddiyada Baarlamaanka ay ku shaqeeyaan ee la yiraahdo Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex taala.

Ugu dambeeyntii madfaca 3-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xafiis ay guddiga doorashooyinka ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi iyo waliba halka laga soo tuuray midna.

Al-Shabaab ayaa madaafiic iyo qaraxyo ku weerartay xarumaha dowlada ee Muqdisho.

Faah faahinta dib kala soco insha allah.

Puntland Post, Muqdisho office