Siyaasiga Cabdi Bare oo ku baaqay in la soo xiro madaxda amniga dalka

Siyaasiga Cabdi bare Yuusuf Jibriil horayna u soo noqday xildhibaan Baarlamaanka katirsan ayaa ka hadlay weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Cabdi bare ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karim in dowlada Soomaaliya ay ku fashilanto amniga Muqdisho.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in xil ka xayuubin iyo xabsi uu isugu daro laamaha amniga dalka Soomaaliya.

Waxaa isi soo taraya dhaleeceeynta loo jeedinayo llaamahaamaanka dowlada Soomaaliya waxaana qaar kamid aahshacabka ay baraha bulshada ku dalbanayeen in xilka laga qaado wasiirka amniga.

Al-Shabaab ayaa weerar qasaare geeystay waxa ay ka geeysteen xalay fiidkii Muqdisho ciidamo hubeeysana waxa ay gudaha u galeen Hoteelka maka Al Mukarama oo ka dagaalamayeen soo afjarida weerarkaasi waxa ay qaadatay 20 saac in ku dhow.

Puntland Post Muqdisho office