RW Kheyre “Jawaab ayaan ka bixineeynaa qaraxyadii Shabaab ay geeysteen”

Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray isbitaallada iyo goobtii ay Al-Shabaab weerartay.

Kheyre ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii guryagooda ku qabsatay dagaalada iyo qaraxyada.

Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.

Dhinaca kale Ra’isilwasaare Kheyre aayaa ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan Al-Shabaab oo ay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan qaraxyadii ay Al-Shabaan ka geeysteen Muqdisho.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya howgal culus oo Al-Shabaab looga saarayo goobaha ay kaga suganyihiin Soomaaliya.

Puntland Post Muqdisho office