Duqeeymo la la beegsaday fariisimo Al Shabaab duleedka Beled-weyne

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in duqeeymo Al-Shabaab halkaasi lagu la eegtay.

Duqeeyntaan ayaa waxa ay ka dhacday deegaano aay ka mid yihiin Galxamur Abootu Salawle iyo waliba Astaani oo dhammaantood dhaca bariga magaalada Beledweyne.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Gaashanlle Maxamed Macoow Xalane xaqiijiyay duqeeymahaasi aay ka dhaceen deegano hoosyimaada maagalada Beledweyne islamarkaasina la la eegtay fariisimo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Wali si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeeymahaan.

Puntland Post