Dowladda Kenya oo ka hadashay Weerarradii ay Kooxda Al-shabaab ka geysatay Muqdisho

Nairobi (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday Hoteello ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo dhaliyay khasaarooyin nafeed iyo mid hantiyeed.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay aad uga xun tahay khasaarihii ka dhashay weeraradii Al-shabaab, isla markaana ay tacsi u dirayaan xukuumadda iyo shacabka Soomaaliya ee weerarrada ku waayay kuwii ay jeclaayeen.

“Waxaan cambaareynaynaa weerarradii ay Al-shabaab ka geysatay Xamar. Runtii waxay ahaayeen kuwo ay geysteen kuwo aan u naxayn shacabka iyo dadka jilicsan,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay soo saartay.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay tahay koox weerarro caalami ah ka fulisa gobolka oo aysan ahyan koox ka dagaalanta Somalia oo keliya, sidaas daraadeedna ay Kenya ka go’an tahay inay gacan ka geysato dagaalka lagula jiro.

“Al-shabaab waa koox argagaxiso ah oo geysata weerarro arxan-darro ah; waxaana diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dagaalka lagula jiro si loo soo af-jaro,” ayaa lagu yiri wabixinta wasaaradda dibadda Kenya ay maanta soo saartay.

Warbixintan ayaa waxay soo baxday, iyadoo aysan weli madaxda Dowladda Somalia ka hadlin weerarrada oo socday muddo 20-saacadoo ka badan iyo khasaaraha ay geysteen, iyadoo tani ay muujinayso inaysan madaxda dalka dareen xooggan u muujin musiibada ku habsatay shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa waxay inta badan jawaabo deg-deg ah ka bixiyaan murannada soo dhex-gala dalalka caalamiga ha iyo weerarrada ka dhaca, balse waxay u muuqdaan inaysan tixgelin badan u hayn dhibka ay Al-shabaab u geysanayso shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu jiro muran u dhexeeya labada Dowladood oo salka ku haya lahaanshaha biyo-badeedka u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

PUNTLAND POST