Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyadii iyo weeraradii Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed tacsida dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaaai.

Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay ayaa ku tilmaamay in ujeeddada falkan laga leeyahay ay tahay in Qof haysta danahiisa caadiga ah la dhaafiyo Ummaddana lagu beero qal-qal.

Mudane; Geelle, ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ay beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa.

Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Puntland Post