Ciidamada DFS oo soo gabagabeeyay weerarkii Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Dowladda Somalia ayaa soo af-jaray weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hoteello ku yaalla Muqdisho oo khasaare badan geystay, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu waqtiga dheeraa ee Al-shabaab ay ka geysato Muqdisho.

Khaaaraha dhismahada weerarkan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay 30-qof, halka dhaawacyadu ay iyaguna kor u dhaafeen 100-qof oo intooda badan qabay dhaawacyo aan sahlanayn.

Maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ka billabay goobaha burburay hawlo nadaafadeed, iyadoo mas’uuliyiin la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay ka go’an tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo celiyaan bilicdii goobaha la weeraray.

Hoteelka Maka Al-Mukarama oo ay daganaayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Somalia ayaa waxaa gaaray burbur xoog leh, iyadoo sidoo kale uu weerarkaan ku bururay guri ay lahaayeen dad shacab ah oo ku dhaw goobaha la weeraray.

Saraakiil u hadlay ciidamada amniga dowladda Somalia ayaa sheegay in lagu dilay mid ka mid ah dhismayaasha la weeraray mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo isagoo dhaawac ah muddo saacado ah ciidamada la dagaalamayay.

Burbur xoog leh ayaa ka muuqday dhismayaasha hoteellada la weeraray iyo goobaha ganacsi ee ku dhaw, waxaana sidoo kale uu burbur culus gaaray dhismayaal ay dagganaayeen dad shacab ah oo ku dhaw goobta ay xalay ka dhaceen weerarrada.

Al-shababa ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, waxayna iska fogeeyeen inay gabbaad ka dhigteen dad shacab ah oo ku noolaa mid ka mid ah dhismayaasha ay xoogaggooda galeen, sida uu sheegay wasiir Geelle oo ah wasiirka warfaafinta Somalia.

Illaa hadda lama oga tirada xoogagga Al-shabaab ee weeraray hoteellada iyo dhismayaasha ku dhaw-dhaw, waxaase dadka goobta ka dhaw ay sheegeen inay filayaa inay yihiin illaa toddoba ruux, kuwaasoo qaarkood is-qarxinayay xalay iyo maanta oo dhan.

Ugu dambeyn, Dowaldda Somalia ayaan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, balse maamulka Isbitaalka Ex-Digfeer ee Erdogan ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay dhaawacyo gaaraya 55-qof, kuwaasoo ay 15 ka mid ah ku sameeyeen qalliinno kala duwan.

PUNTLAND POST