Ciidamada amaanka iyo kuwa Al-Shabaab oo ku dagaalamaya gudaha hoteelka Makka Al Mukarama

Ciidamada amaaanka dowlada Soomaaliya iyo kuwaAl-Shabaab ayaa wali ku dagaalamaya Maqaaxida Hilaac iyo Hoteelka Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Ciidamada amaanka iyo kooxda soo weerartay ayaa xalay ilaa maanta rasaas is weeydaarsanayay.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo bad baadiyay dad xalay ku go’doomay halka ay weerarada ka dhaceen.

Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigto qasaaraha ka dhashay weeradaasi.

In ka badan 20-ruux aayaa ku geeriyootay tiro 60-ruux ku dhowna waa ay ku dhaawacntay weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaan xalay ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Puntland Post Muqdisho office