Burbur baaxad leh oo ka dhashay qaraxyadii Muqdisho

Iyada oo ciidamada dowlada Soomaaliya ay galabta soo afjareen weerarkii khasaaraha badan geystay ee xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Marka laga soo taga khasaaraha nafeed oo ay geysteen qaraxyadaasi waxaa jiro khasaare maaleed.

Waxaa guud ahaan burburay xarumo ganacsi iyo guryo ay dagaanaayeen dad rayid ahaa.

Kooxdii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab ayaa ka dhex dagaalamayay guryo ay dagaanaayeen dad shacab ahaa.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwo qaba tababarka sare ee loo yaqaano Alfa Guruub ayaa si xeeladeeysan u fuulay guryaha ay ku jireen Al-shabaab.

Waxaa guud ahaan burburay xarumihii weerarku uu ka dhacay.

Waxaa burburay Hotelada Maka Al-Mukarama, Hilaac UK, Kuwait Plaza iyo guryo ku yaalla hareeraha laamiga Makah Al Mukaramah.

Soo afjarida weerarkaasi ayaa waxa uu qaatay waqti aad u farabadan oo ka badan Labaatan saacadood.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa toogtay kooxihii weerarkaasi soo qaaday.

Puntland Post, Muqdisho office