Faahfaahin: qaraxii Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Warar hor-dhac ah ayaa sheegaya in tiro ka badan 20-qof ay ku naf-waayeen , kontomeeyo kalena ay ku dhaawacmeen qarax culus oo caawa lagu weeraray Hotel lagu magacaabo Hilaal UK oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, iyadoo goobta uu qaraxaani ka dhacay weli laga maqlayo rasaas dhacaysa.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyadii ugu waaweynaa ee caasimadda Soomaaliya ka dhaca, waxaana burburay dhismayaal u dhaw halka uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu saameyn ku yeeshay Hoteelka Maka Al-mukarama oo aad ugu dhaw hoteelka la weeraray, iyadoo dad badan ay ku xayiran yihiin labada hotel ee dariska ah.

Dadka weerarka ka badnaaday, balse uu dhaawaca fudud kasoo gaaray waxaa ka mid ahaa, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku sugnaa Hotel Maka Al-Mukarama, isagoo sheegay inuu arkay maydadka in ka badan 15-qof iyo dad kale oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u fara badan, iyadoo caawa ay ahayd habeen Jimco ah oo dadka inta badan ay magaalada u soo baxaan, waxaana agagaarka hotel Maka Al-Mukarama inta badan la dhigtaa gaadiidka.

Dhanka kale, Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaadiid badan oo goobta yaallay iyo dhismayaal ganacsi ay gubanayaan, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo ciidamada ammaaka Dowladda Soomaaliya.

Qaraxyada noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa intooda badan mas’uulyadooda sheegata Al-shabaab, iyadoo qaraxan uu ka mid yahay kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa caawa ka dhacay Maka Al-Mukarama oo ah waddo aad u mashquul badan, iyadoo weerarkan uu imaanayo iyadoo ay maanta ciidamada Dowladda Soomaaliya la wareegeen saldhig muhiim ahaa oo ay ka guureen ciidamada AMISOM.

Wixii kusoo kordha weerarkan, waxaad kala socon doontaan Puntland Post

PUNTLAND POST