Ciidamada AMISOM oo ka baxaya mid ka mid ah saldhigyadoodii ugu waa-weynaa Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda waddnka Burundi ay ka guuraan Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla Waddada Warshadaha ee Muqdisho, halkaasoo muddo ka badan shan sano u ahayd fariisin ciidan.

Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka Somalia iyo AMISOM ayaa maanta tagaya Kulliyadda Jaalle Siyaad, si ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejiyo saldhiggaas oo muhiim u ah amniga qaybo ka mid ah Muqdisho.

Sidoo kale, Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa waxay ka mid tahay saldhigyada ugu weyn ee Muqdisho ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana AMISOM ay dhawaan sheegtay inay dayactir ku sameysay maadaama dagaalladii sokeeye ay ku bur-bureen dhismayaasha Kulliyadda qaarkood.

Dhanka kale, Saldhiggan ayaa noqonayaa kii saddexaad oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho oo ay ka guuraan, iyagoo horay uga guuray garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa kaddib markii ay Dowladda Burundi oo ay Muqdisho ka joogaan in ka badan 5,000 oo Askari oo ka tirsan AMISOM ay ku goodisay inay ciidamadeeda  oo dhan kala bixi doonto Soomaaliya.

PUNTLAND POST