Wararka hadda soo gaaray Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu shil gaadhi ku dhintay mudane ka tirsan Golaha wakiilada dowladda Puntland.
Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo laga soo doorto gobolka Bari ayaa ku dhintay shil uu ku galay inta u dhexaysa magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari iyo degmada Waaciye ee gobolka Karkaar sida ay sheegeen goobjoogayal.
Wararku waxay sheegayaan in Gaadhiga xildhibaanka uu dusha ka maray gaadhi xamuul ah oo u socday dhinaca magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland.
Faahfaahinta kala soco Puntland Post