Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madax ka socotay mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo uu hoggaaminayey maamulaha guud ee mashruuca Mr. Paul Sinkins.
Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG ayaa ah mashruuc lagu horumariyo degaannada Puntland oo ay ka faa’iidaystaan Isla’markaana waddooyin loogu sameeyo degmooyinka Puntland.
Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay qodoba ay kamid yihiin dardar-gelinta & dhammaystirka maamul-daadejinta baahinta mashruuca si loo gaarsiiyo dhammaan degmooyinka Puntland iyo soo dhammaystirka doorashada gollayaasha degaanka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtootada Puntland.




PUNTLAND POST
“
You must be logged in to post a comment.