Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Dalka Qatar

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani, waxayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

“Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac.

Ugu dambeyn, booqashadan ayaa waxay imaanaysaa isagoo shalay kasoo laabtay dalka Masar oo uu kaga qayb-galay shrkii Carabta iyo Yurub, kaas oo qodobbadii looga hadlay ay ka mid ahaayeen horumarinta Qaaradda.

PUNTLAND POST