
Boqollaal kamid ah ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Gambool oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa duhurnimadii maanta muddaharaaad ka dhigay barxadda weyn ee caasimadda Garoowe.
Ardayda ayaa muddaharaadka ku dalbanaysay in ay caddaalad hesho Caa’isha Ilyaas oo si waxashnimo ah loogu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Caa’isha oo da’deedu ahayd 12 sano jir ayaa dhiganaysay dugsiga hoose/dhexe Salaama ee waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaanna fasalka lixaad.
Guddoonka waxbarashada gobolka Mudug Puntland oo maanta booqday dugsiga Salaama ayaa fasalkii gabadha la dilay ka tirsaneyd u bixiyay “Fasalkii Caa’isha” si loogu xasuusto mustaqbalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.