
Wararka ka imaanaya degmada Buurtinle koonfurta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in hal ruux ku dhintay mid kalena ku dhaaawacmay dab saaka qabsatay kaalin shidaal oo ku taalla degmadaasi.
Qofka dhintay oo nin ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cabdiweli Diiriye waxaana dhaawac culus soo gaaray aabbihiisa oo lagu magacaabo Cabdiweli Diiriye sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada.
Dadka magaalada oo adeegsanaya booyado biyaa ayaa markii dambe bakhtiiyay dabkii kaalinta qabsaday inkastoo sida la sheegay ay wakhti badan ku qaadatay.
Qaar kamid ah dadkii u gurmaday kaalinta Shidaal ee gubatay ayaa sheegayaa in dab-damis la’aan ka jirta degmada Buurtinle awgeed ay wakhti badan ku qaadatay in la bakhtiiyo dabka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.