Gaalkacyo: Gabar la waayay oo maydkeedii la helay iyo calaamado lagu arkay

Caa’isha Ilyaas Aadan

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi saaka laga helay maydka gabar yar oo shalay lagu waayey waqooyiga Gaalkacyo.

Caa’isha Ilyaas Aadan oo da’deeda lagu sheegay 12 sano ayaa shalay subax la’ waayay xilli ay adeeg u doontay suuqa waxaana tan iyo xalay laga baafinayey idaacadaha maxalliga ah iyo baraha bulshada balse saaka ayaa maydkeeda laga helay meel u dhow xaafadooda sida ay xaqiijiyeen qoyska dhalay.

Maydka gabadha yar ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo waxaana jirkeeda lagu arkay calaamado muujinaya in si xun loo jirdilay sida laga soo xigtay saraakiil caafimaad oo ku sugan isbitalkaasi.

PUNTLAND POST