Dad lagu laayay duleedka Muqdisho

Warar deg deg ah oo hadda ku soo dhacay warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow dad lagu dilay duleedka Muqdisho.

Falkaan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Lafoole oo u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye.

Dabley hubeysan ayaa toogatay dad laan goyn ka waday wado dhawaan la daahfuray oo isku xiri doonta gobolada Banaadir iyo labada Shabeelle.

Sagaal qof oo shan rag yihiin afarna dumar yihii ayaa ku geeriyooday falkaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha deegaan Lafoole Ayaan xaaji ayaa dhacdadaan u xaqiijisay Warbaahinta.

Faah Faahinta dib kala soco insha allah.

PUNTLAND POST, Muqdisho