Duqa caasimadda Puntland ee Garoowe, Axmed Siciid Muuse ayaa guddi u magacaabay, xallinta khilaafaadka dhulka iyo bogcadaha lagu muransanyahay ee ku yaalla magaaalada Garoowe.
Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gollaha degaanka ahna duqa caasimadda, ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo u xilsaaran, xallinta khilaafaadka dhulka, gaar ahaan bogcadaha lagu muransanyahay.
Guddigan ayaa maamulka, maxkamadaha iyo Booliiska Garoowe kala shaqeyn doona, xallinta khilaafaadka ka yimaada dhulka ku yaalla gudaha iy nawaaxiga magaalada.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.