Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay Dalka Masar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u duulay dalka Masar.

Madaxweyne farmaajo ayaa ka qeybgalaya shirka u dhaxeeyo wadamada Afrika iyo yurub.

Shirkaas ayaa waxaa uu ka dhacayaa magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhigiisa dalka Masar Cabdi fitax Al-zizi.

Inta badan shirkaasi waxaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan madaxda wadamada Afrika.

PUNTLAND POST