Madaxweyne Farmaajo oo amray in la soo qabto ragii dilay xildhibaan Boqorre

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST