Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar uga socdo boqolaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta.
Madaxweynaha Puntland ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Xerada 54-aad oo ah goobtii lagu as’aasay Dowladda Puntland Sanaddii 1998, waxaana uu Madaxweynuhu booqday salaan sharaf kadib qaybaha uu ka kooban yahay Talisku iyo goobta lagu tababarayo ciidamada dhibowga ah.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, (Karaash) ayaa ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Saraakiisha Taliska Ciidan Difaaca Puntland, munaasibadda ayaa lagu soo bandhigey suugaan ka turjumaysa muhiimadda ay lee yihiin ciidanka difaaca Dowladda Puntland.
Madxaweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay in dowladdu ahmiyad gaara siindoonto dhismaha ciidanka”
“Waxaa maanta farxad-weyn noo ah ani iyo Madaxweynahaba inaan kasoo qayb-galno munaasabaddan aan ku soo booqanay ciidanka difaaca Puntland, aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta la kulmo saraakiisha ciidanka difaaca iyo dhammaan ciidanka kale oo ah ciidankii lagu aas-aasay Dowladda Puntland, waxaan ahmiyad gaara siindoonaa dhismaha ciidanka Puntland” ayuu yiri Karaash.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa kula dardaarmay ciidanka difaaca Dowladda Puntland in ay ka shaqeeyaan difaaca iyo midnimada ummada Soomaaliyeed, isla’markaana waxaa uu ku bogaadiyey dhabar adayga, difaacidda jiritaankooda iyo dowladdoodaba
“Waxaa aad ugu faraxsanahay inaan idinku soo booqano taliskii dhexe ee ciidamada oo ah taliskii aas-aaska u ahaa ciidamada Puntland, isla’markaana lagu aas-aasay Puntland, runtii waa goob taariikhi ah waa goob ka qayb-qaadatay in aysan Puntland burburin, dadkeedu is haystaan, ciidankeedu uusan marna kala tegin, waxaa farxad weyn ii ahayd in aan maanta soo kor meernay qalabkii 1991 uga dhacday Dowladdii Soomaaliya oo xataa matooradii weli xerada yaalaan oo ay shaqaynayaan”
“waxay muujinaysaa dunta dadka reer Puntland, say Dowladnimada u doonayaan, waxaa naga go’an in aan qaadno wadadii dadkii naga horreeyey oo aan ahmiyaddeena 1-aad siino ciidanka, waxaan hortiina ka balan qaadaynaa Inshaa Allaah in aan tayeyn doono ciidamada, waxaan rabaa in aad boorka ka jaftaan kaalintii hore ee aad lahaydeen inaad noqotaan dad danaha Puntland ilaaliya oo dib u yagleela ciidan tayaysan oo wax walba kaafin kara”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo dhammaan hogaamada ciidamada Difaaca Puntalnd, waxaa looga hadlay kulanka, tayeynta iyo xoojinta ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland oo ah kuwa mar walba u taagan jiritaanka iyo Difaaca Puntland.







PUNTLAND POST
.
You must be logged in to post a comment.