Saldhigyada Booliiska Muqdisho oo la geeyay ciidammo cusub si u xoojiyaan Ammaanka

Muqdisho (PP) ─ Taliska booliska Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay ciidammo cusub oo boolis ah geeyeen saldhigyada degmooyinka gobolkan Banaadir, si loo adkeeyo amniga caasimadda.

Ciidamadaas ayaa waxay ka qayb-qaadan doonaan sugida amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiisha ciidammada booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ciidankan booliiska Somalia ka tirsan ayaa dhawaan waxay soo dhameysteen lagu siiyay dugsiga Tababarada Janeraal Kaahiye ee Muqdisho, waxaana saldhigyadii ugu horreeyay ee la geeyay ka mid ah saldhigyada booliiska Wadajir iyo Kaaraan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan, C/fataax Xaaji Nuur, ayaa sheegay inay ciidamadan ka maamul ahaan garab-taagan yihiin, wuxuuna ugu mahada-eliyay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir oo gartay in ciidammo lagu xoojiyo saldhigyada degmooyinka Muqdisho.

Mudane C/fataax ayaa ciidamadan kula dardaarmay inay si weyn uga qayb-qataan sugidda amniga, wuxuuna rajo wanagsan ka muujiyay inay wax weyn ka beddeli doonaan ammaanka Degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.

Dhanka kale, Guddoomiyaha degmada Wadajir, Cumar C/llaahi ayaa isna soo dhaweeyay ciidanka booliiska ah ee la geeyay degmadiisa, wuxuuna a dalbaday inay dhankooda qayb weyn ka qaataan Sugidda amniga degmada Wadajir.

Ugu dambeyn, Degmooyinka kale ee gobolkan Banaadir ayaa si la mid ah sidan waxaa loo geynayaa ciidammo cusub oo booliis ah, waxaana xusid mudan in degmooyinka Muqdisho ay mar walba ka dhacaan falal isugu jira qarax, dil iyo falal kale oo amni-darro ah.

PUNTLAND POST