Ganacsato Soomaaliyeed oo mar kale dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

Johannesburg (PP) ─ Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa mar kale xalay laba qof oo Soomaali ah dil iyo dhaawac ugu geystay dukaanno ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanno ku dhaw magaalada Johannesburg, iyagoo mid ka mid ah kooxaha burcadda ah la dilay.

Dilkan ayaa waxaa la sheegay inay geysteen kooxo bastoolado watay oo la sheegay inay tababaranaayeen, iyadoo ciidamada booliiska dalkaas ay ku gudo jiraan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii dilka iyo dhaawac geystay.

Sidoo kale, wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in dagaal kooban uu dhex-maray ganacsatada Soomaalida ah iyo kooxda burcada ah, iyadoo mid ka mid ah ganacsatada uu sheegay in mid ka mid ah kooxdii Burcadda ahayd halkaas ku dileen.

Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa sadex maalmood gudahood lagu dilay shan dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed, halka tiro intaas ka badnana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Habeen ka hor ayay ahayd markii degmada Mamelodi oo Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ka tirsan lagu dilay laba dhallinhyaro Soomaaliyeed ah, kuwasaoo ganacsiyo ku lahaa halkaas, waxaana kooxaha dilay u suuro-gashay inay goobta ka baxsadaan.

Ugu dambeyn, Dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu noqday mid habeen iyo maalin si bareer ah Soomaalida loogu dilo, waxaana weli jirin in Dowladda Soomaaliya ay ka hadashay dilalkaas loogu geysanayo ganacsatada kasoo jeedda Soomaaliya.

PUNTLAND POST