Dagaal culus oo xalay dhex-maray ciidanka Dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Gol-weyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada dhinac.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii Al-shabaab ay weerareen fariisin ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ay ku leeyihiin Deegaankaas, waxaana ka dhacay dagaal culus oo muddo saacado ah socday, sida shacabka halkaas ku nool laga soo xigtay.

Shacabka deegaankaas ku nool qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay inay saakay arkeen dhimashada afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, balse aysan garanayn dhaawacyadu intay yihiin, maadaama dagaalku uu xilli saq dhexe ah uu dhacay.

Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada Millateriga Somalia ee gobolkaas ka hawl-gala ayaa diiday inay ka hadlaan dagaalka iyo khasaaraha kasoo gaaray dhinacyadoo iyo dhinac kale, iyagoo sheegay inay Al-shabaab iska caabiyeen.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaan dhankeeda sheegtay inay xalay weerareen saldhig ay ciidamada Dowladda Somalia ku leeyihiin deegaanka Gol-weyn, inkastoo aysan sheegin khasaaraha kasoo gaaray iyo midka ay geysteen.

Ugu dambeyn, Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxay sheegayaan  in xaaladdu ay tahay mid deegaan, balse ciidamada Dowladda Somalia ay halkaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

PUNTLAND POST