Burundi oo ku han-jabtay inay ciidammadeeda kala baxayso Soomaaliya

Bujumbura (PP) ─ Xukuumadda Burundi ayaa ku hanjabtay in dhammaan ciidamadeeda ka tirsan AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay  la bixi doonto hadii Midowga Afrika uu ku adkeysto go’aankiisa ah in 1,000 askari oo ciidamada Burundi ka tirsan ay ka baxaan Soomaaliya bishan dhammaadkeeda.

Ururka Midowga Afrika, ayaa dhawaan go’aansaday in 1000 askari oo ka mid ah ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan dib loogu celiyo dalkooda, balse waxay u muuqataa in Dowladda Burundi aysan ku qanacsanayn go’aanka Midowga Afrika.

“Burundi xilligan diyaar uma ahan inay ciidammo kala baxdo Soomaaliya, balse haddii Ururka Midowga Afrika ay ku adkeystaan go’aankooda bixitaanka kun askari oo ciidamadeenna ka tirsan, innaguna dhamaan ciidamadeena waan la baxeynaa,” ayuu yiri afhayeen u hadlay xukuumadda Burundi.

Sidoo kale, Dowladda Burundi ayaa caddaalad-darro ku tilmaantay qorshaha haatan lagu doonayo in 1,000 askari oo ciidmadeeda ka tirsan kala baxdo Soomaaliya, taasoo  lagu sheegay inay ku luminayso Burundi Hal Milyan oo doollar muddo bil gudaheed ah.

Dhanka kale, Heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidanka nabad-ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay 20,000 ee askair ee Soomaaliya ku sugan ay ka baxaan dalka, iyagoo hawlaha sugida amniga ku wareejinaya ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Tallaabada ay qaadatay Xukuumadda Burundi ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo maalmo ka hor uu booqasho ku tagay Burundi madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, inkastoo aan la ogeyn in booqashada iyo go’aankan ay isku xiran yihiin.

PUNTLAND POST