Kenya oo si ka duwan sidii hore uga hadashay muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya

Nairobi (PP) ─ Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Danjire Munica Juma oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay dhici karto in Kenya ay cunno-qabteyn kusoo rogto Somalia, haddii bay tiri Soomaaliya ay raalli-gelin bixin waydo.

Danjire Juma, ayaa sheegtay in Kenya ay doonayso in laga qanciyo badda ay khayraadkeeda beecisay Somalia, iyadoo xustay in Kenya aysan aqbalayn in taako ka mid ah dhulkeeda ay cid kale la wareegto.

“Ma jirto dowlad aan ku wareejinayno taako ka mid ah dhulkeenna,” ayay ku tiri Juma shirkeeda jaraa’id iyadoo intaas ku dartay. “Dalal ayaa dagaal ku gala wax ka yar arrintaan oo kale.”

Inkastoo wasiirradu aysan sheegin in Kenya ay diyaar u tahay inay Somalia kula dagaalanto badda ay isku haystaan, ayaa haddana waxay sheegtay inay Soomaaliya ka sugayaan faahfaahin ku saabsan qodobadii waaweynaa ee looga hadlay shirkii beecinta shidaalka Soomaaliya ee bishan lagu qabtay London.

“Waa lagama maarmaan in Soomaaliya ay sharraxaad ka bixiso goobaha lagu soo bandhigay shirkii London ee khayraadku jiro,” ayay hadalkeeda raacisay iyadoo xustay in badda lagu muransan yahay ay Kenya leedahay oo aysan raali ka ahayn in Soomaaliya ay sheegato.

Sidoo kale, Wasiirradda ayaan soo hadal-qaadin go’aanka kasoo bixi kara maxkamadda ICJ oo ay taallo dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, taasoo lagu wado inay maxkamaddu dhawaan ka gaaro go’aan kama dambeys ah.

Balse, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya  ay u muuqato in looga awood badan yahay siyaasadda dibadda, waxayna hadalkeeda raacisay inay dadaal u galayaan inay ku guuleystaan go’aankooda ku aaddan murakna badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan xiriirka u jartay Dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeysay inay beecisay khayraadka ku jira badda labada dal ay ku muransan yihiin, inkastoo Somalia ay go’aankaas ka bixisay jawaab aan aad loo jeclaysan.

Ugu dambeyn, Muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa u muuqda inuu waji kale yeelanayo, iyadoo la ogyahay in Kenya ay ciidammo ka tirsan AMISOM ka jogoaan Somalia.

PUNTLAND POST