Golaha xukuumada cusub ee Puntland oo shirkoodii ugu horrreyay kulmay

Golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horreeyay ee Khamiislaha, tan iyo markii ay xilka la wareegeen.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa looga hadlay; arrimaha amniga, xeer-hoosaadka xukuumadda, kobcinta dakhliga Puntland, wada-dhaqeynta wasaaradaha iyo warbixinno laga dhegaystay qaar kamid ah wasaaradaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu wasaaradaha ku amray in ay soo diyaariyaan qorsha-hawleedka dowladda ee sannadka 2019, islamarkaana u diyaar-garooban qorshaha horumarinta Puntland oo ay hoggaamin doonto wasaaradda Qorshaynta ee Puntland.

PUNTLAND POST