Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Muqdisho soo gaaray

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqorka ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiiro, xildhibaano iyo odoyaaal dhaqameedyo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa garoonka Aadan Cadde, Boqor Burhaan Boqor Muuse ku soo dhoweeyay.

Boqor Burhaan oo si kooban wariyaasha kula hadlay xarunta Vip-da ee Garoonka Aadan Cadde ayaa ka mahad celiyay qaabkii quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyay.

Kulamo ayaa lagu wadaa in Boqor Burhaan uu la qaato madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar cowke

Puntland Post, Muqdisho