Maxaa kala qabsaday Liverpool iyo Bayern, Lyon iyo Barcelona?

Kulamo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga ayaa caawa laga ciyaaray qaarada Yurub.

Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich oo ka kala tirsan Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa kulan xiiso badan ku dhexmaray gagida Anfield ee Liverpool, wuxuu kulankaasi ku dhamaaday barbar-dhac gool la’aan ah (0-0).

Bayern Munich ayaa awooday in ay ka badbaado halistii iyo cabsidii ay ka qabtay gagida Anfield, waxayna haysataa fursad weyn, haddii ay gagideeda Allianz Arena guul ku gaarto, halka Liverpool oo marti noqon doonta kulanka dambe ay haysato fursad badin iyo barbar-dhac gool.

Kulanka lugta labaad ee labadan kooxood ayaa ka dhici doona gagida Allianz Arena ee Munich, waxaana kooxdii baxda u dugbaysaa wareega siddeed dhammaadka tartankan.

Dhanka kale kooxaha Lyon iyo Barcelona oo ka kala tirsan Faransiiska iyo Isbayn ayaa iyana ku kala baxay goolal la’aan (0-0).

Barcelona ayaa fursado badan oo goolal loo filan karay heshay, balse waxay awoodi weyday in ay soo taabato shabaqa Lyon, halka Lyon ay awooday in ay goolkeeda ka difaacato Barcelona oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan Yurub.

Labada kooxood ayaa ku kala bixi doona kulanka lugta labaad oo ka dhici doona gagida Barcelona ee Camp Nou.

PUNTLAND POST