Wasiirkii hore Caafimaadka Puntland oo deyn wareejiyay

Xilwareejin, Wasaaradda Caafimaadka

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maanta xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub Jaamac Faarax Xasan.

Xil wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddi Madaxweyne Deni magacaabay, Agaasimayaasha Wasaaradda iyo shaqaalaha xarunta dhexe ayaa Wasiir Cuuke ku wareejiyay Wasiirka cusub lacag deyn ah oo ka maqan qaar kamid shaqaalaha.

Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland Cabdinasir Cismaan Cuuke ayaa sheegay in lacag dhan 2.1 milyan doolar oo mushaar ah ka maqan yahay 785 shaqaale oo mushaari ka ah dowladda, sidoo kale Cuuke ayaa sheegay in khasnadda Wasaaradda ay ku jirto lacag mushaar ah oo dhan $781,045.08 iyo Sh. So. 117,847,000.

Cabdinaasir Cuuke ayaa faahfaahin dheer ka xibin, sababta lacagta intaas le’eg ay uga maqan tahay qaar kamid ah shaqaalihii Wasaaradiisa.

Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa warbaahinta PUNTLAND POST, u sheegay in mushaar dowladeed ay ugu dambeysay bishii labaad ee sanadkii 2016.

Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa kaba hay’addo ay kamid yihiin UNICEF, Save The Children, World Vision iyo GIZ, kuwaas oo si joogto ah u siiya mushaarooyin.

Cabdinasir Cismaan Cuuke ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland Wasiir ka ahaa muddo 4 sano ah.

PUNTLAND POST