Madaxweynaha Puntland oo jawaab dadban siiyay siyaasiyiinta durba mucaaraday

 Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta qado-sharaf Garoowe ugu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa jawaab dadban siiyay siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumaddiisa cusub ee aan weli shaqa-bilaabin.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in loo baahanyahay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland in ay ka midaysnaadan dhismaha dalka, ilaalinta midnimadiisa iyo difaaciisa guud iyo kiisa gaar ahaaneedba.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrimaha siyaasadda ee lagu kala aragti duwanaan karo balse lafteeda loo baahan yahay xeerar iyo shuruuc hagta si aan cidna u dhaafin xadka lama taabtanka ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka Puntland.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST