Kenya oo war cusub ka soo saartay qaabkii lagu soo eryay Danjiraha Soomaaliya

Nairobi (PP) ─ Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay inaysan Dowladda Kenya dalkeeda ka cayrin danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamud Ahmed Nuur (Tarsan), isagoo wararka ay warbaahintu baahisay ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah.

Macharia Kamau, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inaysan u yeereen safiirkooda Muqdisho, isla markaana aysan eryin safiirkii Soomaaliya, isagoo xusay in tan ay tahay mid uu ku saxayo wararkii saxaafaddu ay baahisay.

“Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaan safiirka Soomaaliya isna weydiisanay inuu tago dalkiisa si ay dhinacooda wada-hadal u yeeshaan, isla markaana aan u xallino khilaafka u dhexeeya labada dhinac,” ayuu Danjirhu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale, Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa intaas ku darya inaysan Kenya ku faraxsanayn sida Dowladda Soomaaliya u iib-geysay xuduudka Badda Kenya ay leedahay, taasoo uu sheegay in weli dhulkaas uu muran ka taagan yahay.

“Kaydadka Shidaalku  ku jiro ee ay beec-gaysay Dowladda Soomaaliua, gaar ahaan kuwa xuduud badeedka labada dal ku yaalla waa kuwo weli lagu muransan yahay, illaa dacwadoodu ay dhinac u dhacdana ma jirto dowlad isku dayi karta inay ka faa’iideysato khayraadka ku jira,” ayuu mar kale yiri Danjire Macharia Kamau.

Dhanka kale, Hadalka kasoo yeeray Xog-hayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa kusoo beegmaya iyadoo Muqdisho uu dib ugu soo laabtay saakay danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka dowladda Kenya kasoo yeeray ee dhaliyay khilaaf siyaasadeedka soo dhex-galay labada waddan, kaasoo si aad ah loo hadal-hayo.

PUNTLAND POST