Ciidamada cirka Soomaaliya oo u dabaaldagaya sanadguuradii 59-aad

Ciidamada cirka Soomaaliya ayaa maanta u dabaaldagaya sanadguuradii 59-aad oo ah xiligii la aas aaaay.

Munaasabada dabaaldaga ciidamada cirka ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Muqdisho.

Masuuliyiinta dowlada ayaa lagu wadaa in ay ka qeeybgalaan munaasabadaasi.

14 Feb ee sanadkii 1960 ayaa la aas aasay ciidamada cirka oo qeyb ka ah ciidamada xooga dalka soomaaliya.

Dayac badan ayaa laga dareemayaa ciidamada cirka ee soomaaliya tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ee soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho