PSG oo taariikh layaab leh ka dhigtay Old Trafford

PSG iyo Man Utd

Waxaa caawa la ciyaaray kulamo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga.

Kooxda reer Faransiis ee Paris Saint-GermainĀ (PSG) ayaa guuldaro xanuun badan dusha u saartay kooxda Manchester United oo joogtay garoonkeeda Old Trafford.

PSG ayaa guul 2-0 ka gaartay Manchester United, ciyaaryahana Presnel Kimpembe iyo Kylian Mbappe ayaa min hal gool ku abaal mariyay kooxdooda qaybtii labaad ee ciyaarta.

Kooxda PSG ayaa taariikh layaab leh ka soo dhigtay garoonka Old Trafford oo ay marti ku ahayd, waxayna noqotay kooxdii ugu horaysay ee Faransiis ah oo kulan ka tirsan tartanka kooxaha Yurub guul ku soo gaartay Old Trafford, sidoo kale waxay noqotay kooxdii ugu horaysay ee adib taariikhda hal gool wax ka badan guul uga soo gaartay Old Trafford.

Tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar ayaa la kulmay guuldaradiisii ugu horaysay ee Manchester United, waxaana loo diiwaan galiyay rikooro xun xun, iyadoo dhamaadkii ciyaartana uu Kaar cas ka qaatay Pual Pogba oo seegi doona kulanka lugta labaad ee ka dhici doona Paris.

Iyadoo sidaas ay guul ku soo gaartay PSG ayaa hadana waxaa dhaawac kaga maqnaa weerar yahanadeeda Edinson Cavani iyo Neymar.

Dhanka kale waxaa kulan ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ga ee tartankan wada ciyaaray kooxda reer Talyaani ee Roma iyo FC Porto oo Burtiqiiska ka socotay, waxaana 2-1 ku adkaatay Roma.

PUNTLAND POST