Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay askari ka tirsnaa ciidamadda Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhintay kadib qarax lagu xiray gaari uu watay.

Qaraxaan ayaa ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ahaa nooca Soomaalida u taqaano Caarip waxaana saarnaa askariga oo kaliyah,wuxuuna qarxay xili uu ku dhawaa beerta aaadka lagu iibiyo.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamadda amaanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana goobta laga qaaday meydka askariga.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal loo geysto ciidamada iyo dadka la shaqeeyo dowlada Soomaaliya.

PUNTLAND POST