Shacabka Gardafu’ oo gacmahooda waddooyin ku samaysanaya

Guddoomiyaha gobolka Gardafu’ ee Puntland, Maxamuud Axmed Caynab oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay waddooyin kala duwan oo maamulka gobolka gobolkaasi uu ka hir-gelinayo qaar kamid ah degmooyinka iyo tuulooyinka fog-fog ee  Gardafu’.

Guddoomiyaha ayaa sheegay, in shacabka iyo maamulka gobolka oo is kaashanaya ay bilaabeen, samaynta waddooyin cusub oo xiriirin doona degaannada ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee ay adag tahay in la isaga gudbo, gaar ahaanna tuulooyinka ka baxsan xeebaha oo bulshadu ay dhib kala kulanto xilliyada ay socdaalka yihiin.

Caynab ayaa sheegay in haatanba ay furayaan, jid-cadde cusub oo xiriirin doona degmada Bareeda iyo tuulada Ceel-quud oo ka tirsan gobolka Gardafu’, kadib markii ay shacabku dhib kala kulmeen waddadii hore ee isku’ xiri jirtay labadaasi degaan, sida guddoomiyuhu sheegay.

Waddada cusub oo dherarkeedu yahay 40km ayaa hir-gelinteedu u baahan lacag gaaraysa $30 kun oo Dollar, waxaana guddoomye Caynab tilmaamay in aysan  jirin cid ka caawinaysa lacagta ku baxaysa, balse maamulka iyo bulshada gobolku ay si isku’ tashi ah ku bilaabeen.

Sidoo kale wuxuu caddeeyay in aysan hadda wada-hayn lacagta ku baxaysa wadada, hase yeeshee ay dowladda cusub ee Puntland, hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsiga ay ka rajeynayaan, in ay qeybtooda ka qaatan.

Ugu dambeyntii, mudane Caynab ayaa u hambalyeeyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Deni,isagoo Baarlamanka ka codsaday, in ay kalsoonida siiyan.

PUNTLAND POST