Maxaa ka muuqda xukuumadda cusub ee Puntland?

Madaxweynaha  dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), waxaa la doortay 8-dii Jannaayo ee sannadkan 2019, waxaa uu xilka la wareegay 14-kii bishaasi, waxaana si rasmi ah loo caleema-saaaray 26 isla Jannaayo.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay caleema-saarkiisi, wuxuu ballan qaaday qodoba ay kamid yihiin; arrimaha amniga,dhaqaalaha,dib u habaynta hay’adaha dowliga ah gaar ahaanna ciidamada, soo celinta xuduudaha Puntland ee maqan, dardar-gelinta arrimaha bulshada,  mushahar-siinta shaqalaaha iyo ciidamada dowladda,la’adagaallanka musuq maasuqa iyo hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah.

Kolkaa tallaabada u horraysay ee madaxweynaha laga sugayey waxay ahayd, in uu soo dhiso golihiisa xukuumadda cusub ee la fulin lahaa, qodobada uu ballan qaaday, iyadoo bulshadu isweydiinaysay nooca xukuumadda uu soo magacaabi doono mudada 21 cisho ah ee uu haystay dastuuriyan.

Mudane Deni wuxuu sheegay, oo  in uu soo dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh, islamarkaana uu ilaalin doono qoondada haweenka, maadaama golaha wakiilada Puntland aysan ka helin matalaad ku filan iyadoo ay  ku jirto hal gabadh oo keliya.

Sidoo kale wuxuu  Baarlamanka weydiistay, in mudda 14 cisha oo dheeri ah  loogu daro wakhtiga Dastuuriga, kadib markii uu sheegay in ay la soo darseen duruufo siyaasadeed iyo amni oo u saamixi waayey, in uu wakhtigeeda ku soo dhiso xukuumad cusub.

Kadib mudda 34 cisho ah oo uu ku hawlanaa wada-tashiyo ku saabsan magacaabista golihiisa, shalay ayuu ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 18 wasaaradood iyo 48 wasiiro, wasiirro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, kuwaasoo ay ku jiraan 4 haween ah.

Haddii la eego ballanqaadkiisi ahaa; xukuumad kooban, waxaa muqata in uusan wax badan ka hirgelin, marka la barbar dhigo, xukuumaddii ka horraysay ee madaxweyne Gaas  oo lagu bilaabay 47 wasiir, inastoo markii dambe la gaarsiiyay 57 wasiir, kadib cabashooyin xiriir ah oo beelaha qaar ka yimid, waxaanse la ogayn in madaxweyne deni uu intaa ka sii badan doono xukuumaddiisa iyo in kale, haddii cabashooyin ka yimaadaan beelaah.

Sidoo kale, qoondada haweenku ka heleen xukuumadda cusub, Ayaa u muuqata mid aad uga yar heerkii la filayay, maadaama ay 48 wasiir ka yihiin 4 xubnood oo keliyaha,welibana 3 aysan wasiir buuxa ahayn.

Maxaa ku cusub xukuumadda madaxweyne Deni?

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xukuumaddiisa ku soo kordhiyay, wasaarad cusub oo loo bixiyay wasaaradda, Tamarta Macdanta iyo Biyaha  oo loo magacaabay, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) halka wasaaradihii Degaanka iyo Beeraha hal wasaarad la isaga dhigay.

Wasaaraddii Maal-geshiga ee uu soo kordhiyay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa iyadana lagu daray wasaaradda Ganacsiga, waxaana magaca guud noqday,wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

Sidoo kale wasaaraddii Dastuurka Puntland, ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray, halka ay jiraan wasaaro kale oo magacyadooda la soo koobay.

PUNTLAND POST