Ganacsade lagu dilay magaalada Boosaaso

Mid kamid ah ganacsatada gobolka Bari oo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash ayaa caawo lagu dilay magaalada Boosaaso.

Salaad oo xisaabiye u ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed ayaa lagu dilay xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso gaar ahaanna nawaaxiga masjidka Cali Bin Abu-Daalib oo uu salaadda ka soo baxay.

Ma jirto weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay midna dilka loo geystay ganacsade Salaad.

Faahfaahinta kala soco Puntland Post