Qarax iyo dil ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay dil iyo qarax.

Qarax ayaa ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Muqdisho waxaana uu ahaa nooca loo yaqaano dhajiska, waxaana gaarigooda loogu xiray dad saarnaa gaari nooca raaxada ah, hal qof ayaa ku geeriyooday halka ruux kalena uu ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo meydka iyo dhaawaca ka qaaday.

Dhinaca kale isla xalay ayaa koox Bastoolado ku hubeysan degmada Hodan, gaar xaafada Xaawo Taako waxa ay ku dileen askari k atirsanaa ciidamada dowlada.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo ay geeystaan Al-Shabaab.

PUNTLAND POST