Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay

‪Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar‬ Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan.

Dhowaan Soomaaliya ayaa ceeyrisay wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nichlos Haysom.

Puntland Post