Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa joojiyay lacagaha curaaraha iyo khidmadaha ee la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxa-bannaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada u qabta hay’adahaasi.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo hadda warbaahintu heshay balse ku taariikhaysan 2-dii bishan Febraayo 2019 ayaa lagu joojiyay dhammaan curaaraha iyo khadmadaha la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxa-bannaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee hawlaha u qabta dowladda iyo shirkadaha dakhliga.
Sida qoraalka ku xusan amarkaan ayaa dhaqan-gelaya ka hor intaan lagu noqon miisaaniyadda xukuumadda oo Baarlamanka cusub ka doodi doono bisha soo socota ee Maarso waase hadii uusan imaan amar kale oo burinaya ama fasaxaya bixin-curaareed duruufa jira awgood.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.