Garoowe: Dowladda hoose oo awaamiir cusub soo rogtay

Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa Axadda maanta ah soo rogtay, awaamiir cusub oo ku saabsan,ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, diiwaan-gelinta boqcadaha dhulka,dullaaliinta dhulka iibiya iyo nootaayooyinka lagu kala qorto tacaamulka bulshada.

Xog-hayaha dowladda hoose ee caasimadda Garoowe, Maxamuud Cali Xassan (Guray) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay la burburiyay balbalooyin iyo sandaqo sharci-darro ah oo xiray waddooyinka magaalada, si loo soo celiyo bilicda iyo nadaafadda guud, waxaana uu dadkii meelaha laga dumiyay uga digay  , in aysan dib ugu laaban, haddii kalena ay la kulmayaan ciqaab iyo ganaax adag.

Dhinaca kale, xog-hayaha ayaa ku amray dullaaliinta dhulka iyo xarumaha nootaayooyinka, in ay iska’ diiwaan-geliyaan xafiiska dowladda hoose, si ay u helaan aqoonsiga degmada, waxaana uu digniin ku bixiyay, in aysan shaqeyn doonin cid aan ka diiwaan-geshaneyn dowladda hoose.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu si gaar ah dullaaliinta dhulka iyo wadayaasha gaadiidka cagafta, wuxuu uga digay in aysan ka hawl-geli Karin, dhulka bogcadaha ee aan sharci ka haysan degmada Garoowe, isagoo ku hanjabay ciqaab iyo ganaax la saari doono cid kasta oo amarkaasi jebisa.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar