Baarlamanka Puntland oo meel-mariyay in si wadar ah loo ansixin doono xukuumadda cusub

Golaha wakiilada dowladda Puntland oo maanta dood dheer ka yeeshay hannaanka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo madaxweyne Deni ayaa cod gacan-taag ah ku meel-mariyay in golaha wasiirada si wadar ah loo ansixiyo.

Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 26 xubnood oo kamid ah u codeeyeen in xukuumadda si wadar ah loo ansixiyo halka 24 xildhibaan ay diideen 3 kalena ka aamustay.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub.

Baarlamanka ayaa hore u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid-mid loo ansixiyo si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqon doona hase yeeshee go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu gelinka dambe ee maanta oo Axad ah ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub kuwaasoo loo gudbin doono Baarlamanka si ay u ansixiyaan.

PUNTLAND POST