Al-Shabaab oo toogtay 3 ruux gaadiidna gubay duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya caawa duleedka Muqdishoa ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaan ay dil iyo gubid u geeysteen gaadiid siday dhuxul.

Gaadiidkaan ayaa lagu Gubey Duleedka Deegaanka lafoole ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo aan ka Fogeyn Muqdisho.

Ilaa labo gaari ayeey gubeen Al-Shabaab sida ay wararka sheegayeen.

3-ruux ayaa sidoo kale goobta lagu toogtay sida uu xaqiijiyey maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo ah Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobalka shabeelaha hoose ayaa xaqiijiyey falkaasi waxaana uu sheegay in ay ku raadjoogeen kooxihii falkaasi geeystay.

Al-Shabaan ayaa dhowaan duleedka Afgooye ku gubay sidaan oo kale gaadiid dhuxul siday.

Al-Shabaab ayaa mamnuucday in gaadiid dhuxul sida ay ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar cowke

Puntland Post